Waxaa magaalada London ka socda dadaal ay wado dowladda Soomaaliya oo ay ku baajineyso bannaanbax weyn oo ay qabanqaabinayeen jaaliyadda Soomaaliya, kaasoo looga horjeeday shirka Shidaalka Soomaaliya ee Berri ka furmaya magaalada London.
Shirkan oo muran badan ka dhashay, isla markaana soo jiitay dad badan oo ka hor yimid qaabka uu ku socdo ayaa saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay waxay madaxda dowladda Soomaaliya kusoo baraarugeen halista weyn ee shirka ku soo fool leh iyo boqolaal Soomaali ah oo isu diyaarinaya inay bannaanbax ka hor dhigaan xaruna uu shirku ka dhacayo.
Madaxda Xukuumadda iyo xubno taageersan dowladda oo saaxiibo gaara la ah ayaa loo diray inay kala qeybiyaan dadka wada bannaanbaxa, ayna dadaal ku bixiyaan sidii loo joojin lahaa bannanbaxaasi, waxaana xiriiro joogto arrintaasi ka waday xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka.
Qaar ka mida dadkii bannaanbaxyada waday ayaa sheegay inay la soo xiriireen Ra’iisal wasaaraha iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo isagu shirka ku meteli doona xukuumadda Soomaaliya iyadoo ugu yaboohay inay xubno ku yeeshaan shirka si ay u arkaan waxa ka dhacaya.
Arrintan ayaa muujineysa in madaxda dowladda Soomaaliya iyo taageerayaashooda looga adkaaday baraha bulshada ayna shaqsiyaadka iyo xisbiyada mucaaradka ah awoodeen inay taageero weyn u helaan fikradahooda, halka dowladda Somalia ee xilligan oo dhaqaale badan ku bixisa baraha bulshada ay saameyn yeelan weyday.