Sunday, June 22, 2025

XOG: Farmaajo oo laba Qodob laga fujin waayay iyo Rooble oo lagu cadaadinayo inuu laba jago qaato

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu weli socdo dadaal lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka adag ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaalka waanwaanta oo ay soo bilaabeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa la sheegay in maanta horumar laga gaaray markii cadaadis la saaray Rooble.

Farmaajo ayaa ku dhegan laba qodob oo kala ah:

Ad

1- Inaysan gacantiisa ka bixin Hay’adda NISA, uu u magacaabo qof uu isagu wato. Taas bedelkeed wuxuu diyaar u yahay in xil sare loo magacaabo Jen. Bashiir Goobe oo Ra’iisal wasaaraha hore ugu magacaabay Agaasimaha NISA.

2- Inuusan xilka Wasiirka Amniga qaban xildhibaan Maxamed Nuur. (Wuxuu Farmaajo diyaar u yahay in xil kale loogu bedelo oo la geeyo Wsaaradda Arrimaha gudaha, arrintan oo ay wadaan kooxha dhexdhexaadinta wada).

Sabab Farmaajo u doonayo inaysan gacantiisa ka bixin Hay’adda NISA ayaa ah inay heyso xogta ugu badan ee maamulkiisa ku eedeysan yahay, isla markaana halis ku tahay mustaqbalkiisa haddii cid kale maamusho.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isagu ku dhegan in cadaalad loo helo Ikraan Tahliil, balse wuxuu kasoo debcay mowqifkiisii hore ee mas’uuliyiinta uu magacaabay, waxaana gorgortanka hadda socda uu yahay in Farmaajo loo dhaafo NISA, iyadoo Roooble lagu cadaadinayo inuu qaato laba xil oo sare oo la siiyo Jen. bashiir Goobbe iyo Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur.

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in NISA oo ay maamulayaan Farmaajo iyo Fahad aysan suuragal ahayn in cadaalad loo helo Kiiska Tahliil Faarax.

Waanwaanta socoday muddo 48 saacadood ah ayaa waxaa ku biiray xubno wasiiro ah oo ka socda dhinaca Rooble iyo la-taliyeyaal ka socda dhinaca Farmaajo, waxaana dadaalkii ugu danbeeyay loogu jiraa in mar kale la isu keeno Farmaajo iyo Rooble.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON