Thursday, April 18, 2024

XOG: Kaalin noocee ah ayuu Farmaajo ku yeelan doonnaa Munaasabadda saxiixa Heshiiska Doorashada

Waxaa Berri magaalada Muqdisho ka dhaceysa xaflad lagu saxiixayo fulinta heshiiska Doorashada Soomaaliya, iyadoo uu ka qeyb geli doono Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xafladda oo qabanqaabadii ugu danbeysay loogu jiro ayaa la sheegay in Maxamed Farmaajo uu leeyahay khudbadda gunaanadka munaasabadda saxiixa heshiiska oo sidoo kale ay ka qeyb geli doonaan madaxda Golaha Midowga Musharixiinta iyo Bulshada rayidka, ayna goobjoog ka noqon doonaan Wakiilo ka tirsan Beesha calamka.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in saxiixa heshiiska aanu qeyb ka ahayn Farmaajo, iyadoo heshiiska ay saxiixi doonaan Ra’iisal wasaaraha, shanta madaxweyne maamul Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ad

Muddo sanad ku dhow waxaa khilaaf ka taagnaa Doorashada iyadoo is-mari waaga heshiisyada Doorashada lagu eedeeyay Maxamed C/llaahi Farmaajo oo markii danbe xilka Doorashada iyo Amniga ku wareejiyey Ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu bedelayaa booskii saxiixayaasha ee Maxamed Farmaajo, iyadoo rajo badan laga qabo inuu aqbalo, waxaana sii jiri doona Golaha Qaran Wadatashiga Doorashada ee Rooble hoggaaminayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON