Beesha Caalamka oo dadaal xoog leh u gashay in heshiiskii Doorashada ee Dhuusamareeb 3 la dhammeystiro ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku qancisay inuu kulan kale qabto oo ay kasoo qeyb galaan Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo ka maqnaa shirkii Dhuusamareeb 3.
Waxaa arrintan lagu soo qaaday kulan Garoonka Muqdisho ku dhex maray safiirka Mareykanka iyo Madaxweyne Farmaajo 21-kii Ogost, kadibna waxaa xigay xiriiro is dabajoog ah oo u socday Madaxweyne Farmaajo, Beesha Caalamka iyo Madaxweynayaasha Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo ku saabsanaa sidii ay ugu soo biiri lahaayeen Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb 3.
Puntland iyo Jubbaland oo qaadacay heshiiskii Doorashada ayaa diyaarinaya qodobadda ay ku diidan yihiin iyo sida ay doonayaan in wax looga bedelo ama lagu daro, waxayna doonayaan in beesha caalamka goobjoog ka noqoto kulanka soo socda ee la isugu keenayo labada dhinac, kaasoo aan weli la cayimin goobta uu ka dhacayo, laakiin madaxweyne Farmaajo lagu wado inuu casuumaad u diro madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Madaxweyne Farmaajo ayaan weli aqbalin in shirka la qabanqaabinayo ay qeyb ka noqdaan Madaxda Xisbiyada mucaaradka iyo ururrada bulshada, waxaana arrinan si xoog leh dadaal u geliyey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, wakiilka Q/Midoobay James Swan iyo safiirada Midowga Yurub.