Wednesday, June 25, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo diidan Qodob ay Beesha Caalamka xal ugu raadinayso Doorashada 2021

Iyadoo uu waqtigu kasii dhammaanayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in la isku mari la’ yahay qodob ay wadato Beesha caalamka si xal loogu helo is-mari waagga ka taagan Doorashada 2021.

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa dardar geliyey soo jeedintii Beesha Caalamka ee ahayd in la qabto shir ay isugu yimaadaan madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka si looga wadahadlo, xalna looga gaaro qodobadda hortaagan Doorashada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wararku sheegayaan inuusan dooneynin qabashada shir kale oo ku saabsan Doorashada, taas bedelkeedna uu talo ka sugayo saddexda maamul Goboleed ee taageersan dowladiisa: Galmudug, K/Galbeed iyo Hiishabeelle, isagoo rajo ka qaba in la bilaabo Doorashada Aqalka Sarę.

Waxaa sii kordhay cadaadiska Beesha caalamka ku heyso madaxda Soomaalida ee xal u helidda is-mari waagga Doorashada, laakiin waxaa socon waayey dhexdhexaadin uu waday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku fashilmay inuu dhexdhexaad noqdo, iyadoo xilligan uu arrintaas la wareegay Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen oo madax ka ah maamulka K/Galbeed oo laga sugayo inuu bilaabo doorashada Aqalka Sare.

Lama oga in Madaxweyne Farmaajo aqbali doono shirka ay dalbaneyso Beesha caalamka iyo inuu ku dhaqaaqi doono doorasho ay ka maqan yihiin laba maamul Goboleed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON