Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shuruud ku xiray shir ay qabanqaabineyso beesha caalamka oo ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda Federalaka iyo kuwa Maamul Goboleedyada.
Xogta laga helay wakiilada Beesha Caalamka ee isaga dab qaadaya dhinayada Soomaalida ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay marka hore fuliyaan hal Qodob oo ah inay soo magacaabaan Guddiyada Doorashada, soona gudbiyeen xubnahaasi ka hor inta aan shir la isugu imaan.
Farmaajo ayaa ku dooday in marka hore la fuliyo heshiiskii doorashada ee 17-ka Septembar oo Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ay soo gudbiyaan Guddiyada Doorashada, markaas kadibna wixii khilaaf ah ee jira xal loo helo, haddii kale ay kaliya doonayaan inay waqti kale lumiyaan, lana aqbali karin.
kadib waanwaan ay arrintan ka galeen Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu qanciyey madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay magacaabaan Guddiyada Doorashada heer Maamul Goboleed iyo xubnaha heer Federaal, balse ay iyaguna dalbadeen damaanad ay ka sugayaan wakiilada Beesha Caalamka.
