Sunday, June 22, 2025

XOG: Musharaxa uu Farmaajo aaminsan yahay inuu halis gelin karo iyo Isbaheysiyada uu raadinayo

Kooxda ololaha Doorashada Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xoojisay dadaalka ay ku dooneyso inay soo saarato xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Maxamed Farmaajo iyo madaxa ololihiisa Fahad Yaasiin ayaa xilligan ku jira rajadoodii ugu fiicneyd ee ay ku doonayeen inay mar kale xukunka kusoo laabtaan, waxayna taageero buuxda ka heystaan laba madaxweyne maamul Goboleed, halka ay saameyn weyn ku leeyihiin mid kale.

Sida laga soo xigtay xubnaha ololaha u wada Farmaajo waxay halista ugu weyn ee dib u soo noqoshadooda u arkaan inuu yahay musharax aan weli shaacin inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha, kaasoo ah Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni.

Ad

Kooxda Fahad Yaasiin hoggaamiyo ayaa aaminsan in Siciid Deni oo taageero dhaqaale ka heysta Imaaradaka Carabta, si buuxdana ugu xiran madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu yahay musharaxa ugu halista badan ee kasoo horjeeda, waxayna hoos u dhigeen awoodda musharixiinta kale ee ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre.

Qorshaha kooxda ololaha Farmaajo ayaa ku bilowday inay soo saartaan xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay diyaariyeen inay heli karaan ilaa 100 ilaa 50 xildhibaan, markii ku dhowaad 20 senator ay ka heleen aqalka sare; waxayna doonayaan inay isbaheysi la galaan Sheekh Shariif, halka ay rajo badan ka qabaan inay heli karaan taageerayaasha Muharax Xasan Kheyre.

Saadaasha ah in doorashada madaxweynaha soo socda ay codadka ugu badan heli doonaan Farmaajo iyo Siciid Deni ah ayaa ah mid laga badbadiyey, waxayna u muuqataa cabsi aad u weyn oo kooxda Farmaajo ay ka qabaan madaxweynaha Puntland.

- Advertisement -

Dad badan ayaa aaminsan in halista ku wajahan dib u doorashada Farmaajo ay ka imaaneyso Ra’iisal wasaarihiisii hore ee Xasan Kheyre oo la wareegi doona xubno uu Farmaajo u heysto inay u codeyn doonaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON