Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Rooble ayaa caawa soo gabagabeynaya shirar uu magaalada Garowe kula yeeshay Madaxda Puntland oo natiijo la’aan ku dhammaaday markii ay xaalad adag ka qabsatay.
Xogta laga helay ilo ku dhow Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaaahi Deni uu diiday laba qorshe oo uu watay Rooble kuwaasoo ku saabsanaa xal u helidda khilaafka ka taagan dhaqan gelinta heshiiskii Doorashada dadban ee 2020/2021, iyadoo uu fashil ku dhammaanayo socdaaliisii ugu horeeyay ee Puntland.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa rajo badan ka qabay inuu Puntland ku qanciyo inay Muqdisho u dirto xubnaha uga midka noqonaya Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo inuu magacawdo Guddiga Doorashada heer dowlad Goboleed ee Puntland, kadibna xal loo raadinayo arrimaha khilaafka ka taagan yahay sida Gobolka Gedo iyo xubnaha ka mida Guddiyada Doorashada Federaalka, laakiin madaxweyne Deni ayaa diiday codsiga Ra’iisal wasaaraha inta marka hore xal looga helayo caqabadaha hortaagan Doorashada.
Kadib shirar is-daba joog ah oo la isku mari waayey, ayuu Ra’iisal Wasaare Rooble kulan la yeeshay odayaasha iyo isimada Puntland, isagoo u sheegay inuu jeclaa in doorashada la qabto ayna ka qeyb galaan Guddiyada Puntland, balse ay tallaabooyin kale qaadayaan hadda markii ay diidmo kala kulmeen madaxda Puntland.
Xaflad sagootin ah oo caawa madaxtooyada Garowe loogu sameeyay wafdiga Ra’iisal wasaaraha ayuu Ra’iisal wasaaraha ka baaqsaday ka qeyb galkeeda is mari waaga dhex maray madaxda Puntland dartiis. Dhinaca kale xukuumadda Rooble ayaa Ardayda Puntland u ogolaaday in la siiyo Shahaadada Dowladda Federaalka oo ahayd arrin muddo dheer khilaaf ka taagnaa.
Ra’iisal wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inuusan go’aan gaari karin, balse uu wakiil ka yahay Madaxweyne Farmaajo, taasoo socdaalkiisa ka dhigtay imtixaan adag oo aan natiijo lahayn, waxaana lagu wadaa inuu Berri ka tago magaalada Garowe, isagoo kusii jeeda magaalada Gaalkacyo.
