Thursday, April 18, 2024

XOG: RW Rooble oo ku fashilmay ballan uu ka qaaday Beesha Caalamka iyo Rajada Heshiis la gaaro oo qarka..

Dadaalladii loogu jiray inuu furmo shirkii wadatashiga madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa rajo la’aan kusoo dhammaaday, kadib markii ay hakadeen shirarkii maalmihii danbe socday.

Kulan la filayey inuu maanta dhex maro Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaamarkii labaad baaqday markii uu isbedelay ku yimid Rooble oo fulin waayey ballan uu ka qaaday wakiilada Beesha Caalamka.

Kulankii ugu danbeeyay ee shalay beesha Caalamka la yeelatay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag loogu yeeray inuu kaalintiisa qaato oo meesha ka saaro is-mari waaga. isla markaana la kulmo madaxweynayaasha maamul Goboleedyada, laakiin waxaa la sheegay in markii kulankaasi la diyaarin lahaa uu ka baxay.

Ad

Arrintan ayaa timid markii wakiilada Beesha calaamka ay kulamo xiriir ah la yeesheen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah, Ra’iisal wasaaraha iyo shanta madaxweyne maamul Goboleed, ayna wadeen dadaalkii ugu danbeeyay ee in laga heshiiyo ajendayasha shirka, isla markaana ay isla diyaariyeen Ra’iisal wasaaraha madaxda Maamul Goboleedyada.

Maxamed Xuseen Rooble oo la tuhunsan yahay inuu tallaabo ka qaadi waayey Farmaajo ayaa soo jeediyey inay is arkayaan madaxda Soomaalida dhexdooda oo ay sugto beesha caalamka, taasoo niyad jab ku riday wakiilada caalamka.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedya taageersan Maxamed Farmaajo aya dhinacooda shir gaara maanta ku yeeshay Guriga Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, iyadoo uu culeys kasoo food saaray Madaxtooyada.

- Advertisement -

War-saxaafadeed ay wadajir usoo saareen Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu muujiyey rajo-beelka ka taagan heshiis laga gaaro Doorashada, iyagoo ku eedeeyay Maxamed Farmaajo inuu xagal daacinayo, waxayna caddeeyeen inaysan sii joogi karin Muqdisho oo saddex toddobaad ugu dhammaatay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON