Xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta shaaciyo Liiska Guddiyada Doorashada Dadbsan ee Federaalka Soomaaliya.
Waxaa maanta la gaarsiiyey xafiiska Ra’iisal wasaaraha xubnaha lasoo bedelay ee Guddiyada Doorashada Galmudug oo ahaa guddigii ugu danbeeyay ee la sugayey, waxaana la sheegay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble la filayaa inuu saacadaha soo socda shaaciyo Guddiyada Doorashada.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya inaan weli la xalin qeylo dhaanka iyo cabashada ka taagan ee Guddiyada Somaliland, Galmudug iyo xubno ka mida Guddiyada Hirshabeelle, iyadoo ay weli ku jiraan xubno lasoo eedeeyay oo caddeymo loo hayo.
Waxaa laga cabsi qabaa in marka guddiyada la shaaciyo ay soo baxeen diidmo hor leh oo xaaladda cakirta, waxaana arrintan ka digay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland.
