Thursday, July 24, 2025

XOG: Sidee C/llaahi Goodax looga saaray Golaha Wasiirada cusub..? (Heshiiskii Ugaaska & Madaxweynaha)

C/llaahi Goodax Barre – Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya- wuxuu ka mid noqday wasiirada xilalkooda waayey ee sida weyn loo saadaalinayey inay dib ugu soo laabteen Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiir Goodax Barre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada daacadda u ah ee sida weyn u difaaca dowladda Madaxweyne Farmaajo, taasoo uu muteystay in loo magacaabo xilka Wasiirka Waxbarashada Ogost 2018, kadib markii si fudud xilkaasi looga qaaday Wasiirkii hayey ee C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Xil waayida Wasiir Goodax ayaa dad badan ka yaabisay marka loo eego sida uu daacadda ugu ahaa uguna xirnaa Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo muddooyinkii dambe ay xaalad caafimaad heysatay, kuna sugnaa dalka Turkiga ayaa mar qura uu soo baxay in wasaaradda Beesha awood qeybsiga u lahayd laga dhigo Wasaaradda muhiimka ah ee Arrimaha Gudaha, balse loo magacaabo taliye xigeenkii Booliska Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax.

Maxay isku seegeen Wasiir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo..? (Qaabkii looga reebay Golaha Wasiirada)

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysta inuu Wasiir C/llaahi Goodax, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ku baxay heshiis dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuuna Ugaasku la yimid in xilka Wasiirka Beesha loo magacaabo Jen. Mukhtaar, meeshana laga saaro Goodax.

Xiriirka Ugaas Xasan iyo C/llaahi Goodax ayaa ahaa mid liita muddooyinkii ugu danbeeyay, waxaana taas sii xoojisay qorshaha Doorashada Madaxweyne Farmaajo ee 2020/2021 oo uu doonayo inuu taageero uga helo Odayaasha dhaqanka ee Ugaas Xasan ka mid yahay.

Heshiiska Madaxeynaha iyo Ugaaska ayaa ku wajahan doorashada Federaalka, laakiin waxaa la arki doonaa sida uu wax uga taro xaladda taagan ee dhismaha maamulka Hirshabeelle oo hadda socota iyadoo ay diidan yihiin Beesha Ugaaska intooda badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON