Sunday, June 22, 2025

Yaa ka danbeeyay in Farmaajo diido Go’aankii ahaa inuu Jen. Bashiir Goobe hoggaamiyo Hay’adda NISA?

Faahfaahin dheeraad ah aya laga helayaa sababihii keenay inuu madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka hor yimaado magacaabidda Jen. Bashiir Maxamed Jaamac ee Agaasimaha NISA.

Kulankii koowaad ee Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa heshiis laga gaaray arrintan, kadib markii ay Farmaajo iyo Rooble si kala gaara ula kulmeen Taliyeyaasha ciidamada iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, kadibna kulan guud ay yeesheen Farmaajo iyo Rooble Talaadadii 7 September 2021.

Jen. Bashiir Maxamed Jaamac oo xilka Agaasimaha NISA u magcaabay Ra’iisal wasaare Rooble ayaa kulan gaara la yeeshay Farmaajo iyadoo ka wadahadlay xaaladda NISA iyo sida khilaafka looga saari karo, laakiin waxaa la sheegay inuu Farmaajo isbedelay 24 saacad kadib.

Ad

Xogta la helay ayaa sheegeysa in heshiiskii hore iyo go’aankii Farmaajo la qaatay Rooble iyo Jen. Bashiir Maxamed Jaamac uu meesha ka baxay markii ay shir gaara la yeesheen taliyeyaasha Milateriga iyo Asluubta oo Farmaajo uga digay inuu NISA u dhiibo Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac, waxaa kaloo kulankaasi ku sugnaa Taliyaha Booliska.

Saraakiisha NISA oo ay ku jiraan Fahad Yaasiin iyo C/llaahi Kulane ayaa sidoo kale diiday in Bashiir Goobbe Hoggaamiyo hay’adda NISA, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga Beelaha iyo halista ah inuu ogaado arrimo Hay’adda soo maamushay oo qarsoodi ah.

Kulan uu doonayey inuu Farmaajo mar kale la yeesho Rooble ayaa baaqday kadib markii Ra’iisal wasaraha ogaaday inuu isbedelay go’aankii hore la isula meel dhigay, waxayna xaaladii isu bedeshay is mari waaga hadda taagan.

- Advertisement -

Taliyeyaasha ciidamada ee Milatariga, Asluubta iyo Booliska ayaa u muuqda inay qeyb ka yihiin dhibaatada ka dhex taagan Madaxweynaha xilku ka dhammaaday iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON