Tuesday, July 1, 2025

Puntland oo Hal Qodob uga adkaatay Madaxtooyada Somaliya & Farmaajo baaq uu hore diri jiray loo diray

Is-jiidjiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo Madaxtooyada Soomaalia ayaa weji cusub galay markii dowladda Soomaaliay ay shaacisay inuu fashilmay shirii hordhaca ahaa ee Teendhada Afisyoone.

Toddobaad ka hor waxaa cadaadis xoog leh saarnaa madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo lagu cadaadisay inay shirka ka qeyb galaan, halka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo maamul Goboleedyada taageersan ay ku jarmaadayeen shirna uga socday Afisyoone.

Beesha Caalamka oo raadineysa in xal laga gaaro khilaafka Doorashada waxay cadaadis saartaa hadba dhicii diida wadahadalka ama shuruudo hordhac ah la yimaada, waxayna hadda arrintii u wareegtay dhinaca Madaxtooyada iyo Maxamed Farmaajo oo khalad siyaasadeed ku dhacay markii uu faafiyey inuu fashilmay shirkii.

Waxaa arrintaasi ku soo xigtay Qoraalkii ay dowladda Federaalka dirtay Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo ay faragelin arrimaheeda gudaha lagu sameynayo ku sheegtay haddii lagala hadlo Doorashada Qaran ee Soomaaliya.

Puntland ayaa u muuqata inay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo uga adkaatay dagaalkii adkaa ee dhinac kasta ugu jiray inuu kan kale u muujiyo inuu diidan yahay xal laga gaaro Doorashada. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabarani ayaa baaqan hoose u diray Farmaajo:

“Waxa aan ugu baaqeyna Madaxweyne Farmaajo in uu gogosha kusoo laabto oo uusan  fashilin Shirka Afisyooni, Anagu weli gogosha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane miiska wadahadalka”.

Qoraalkii ugu danbeeyay ee Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida inay dib ugu laabtaan wadahadalkii, iyadoo loog digay tallaabo uu dhinac kaliya qaado inaysan taageeri doonin sida dadaalka loogu kiro muddo kororsiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON