Sunday, June 22, 2025

Maxay yihiin shuruudaha ay Beesha Caalamka u dhigtay Qofka noqonaya Agaasimaha NISA?

Beesha Caalamka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay khilaafka ka taagan cidda hoggaamineysa Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA.

Qoraalka beesha Caalamka oo lagu dalbday in si degdega loo xaliyo khilaafka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhinaca kale lagu xusay ahmiyada ay Hay’adda NISA iyo Wasaarada Amniga u leeyihiin Amniga dalka iyo dagaalka lagula jiro Alshabaab.

“Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada: Geeddi-socodka doorashada; Waxayna horseedday jahawareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Ad

Beesha Caalamka waxay si cad ugu sheegtay Farmaajo iyo Rooble inay inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (Wasaarada Amniga iyo NISA) ay madax u noqdaan hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.

Farriintan ayaa loo arkaa faragelintii ugu horeysay ee Beesha Calaamka ku sameyso khilaafka ka taagan cidda noqoneysa Agaasimaha NISA iyo Wasiirka Amniga oo ah arrinta ugu culus ee ay isku hayaan Farmaajo iyo Rooble, iyadoo si toos ah u muujineysa inay Beesha caalamka diidan tahay shaqsiyaadka uu Farmaajo u magacabaay agaasinka NISA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON