Is-miidaamiye isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku dhex qarxiyay dhalinyarro saf ku jirtay xerada Damaanyo ee Magaalada Muqdisho.
Dhalinyarrada ayaa loo qorayay ciidamoada dowladda, iyadoo doonayay inay ku biiraan ciidamada xoogga dalka. Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu sababay in ka badan 20 dhimasho iyo dhaawac badan.
Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saakay abaare 09:20am afaafka hore ee xerada Ciidanka ee Damaayo ka dhacay qarax uu fuliyay qof nafti halige ah, balse Ciidanku ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka.
“Hay’adaha Amniga waxa ay ku howlan yihiin xaqiijinta Khasaaraha, waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay warbixinta rasmiga ah ka sugaan Hay’adaha Dowladda ee gacanta ku haya”.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda oo lagu sheegay in faahfaahinta oo dhameystiran lasoo gudbin doono.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa ka dhacay xerada Damaanyo ay ku dileen in ka badan 30 askari, kuna dhaawaceen 50 kale.