Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa taageeray in shirka xal u helidda Doorashada 2021 lagu qabto magaalada Muqdisho, sida ay ku talisay Maamulka Puntland.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxwyenaha Jubbaland ayaa lagu yiri: “Jubaland waxay tixgelin siinaysaa kana qayb galaysaa shirka lagu baaqay 15-ka Feebaraayo 2021. Waxayna soo jeedinaysaa in uu ku qabsoomo Muqdisho, lana balaadhiyo madasha, maaddaama muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah uu dhammaaday”
Go’aanka Jubbaland ayaa ka dambeeyay baaqii madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ahaa in shir looga hadlayo arrimaha doorashada lagu qabto magaalda Garowe 15-ka bishan Febraayo, iyadoo Puntland ay soo jeedisay in shirka lagu qabto caasimadda Muqdisho, ayna ka qeyb galaan saamileyda siyaasadda, mar haddii uu dhammaaday muddo xileedka hay’adaha dowladda.