Waxaa madaxtooyada Soomaaliya ka furmay kulan dhex maraya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Frmaajo iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam.
Kulankan oo hore u baaqday markii ay shuruudo adag ku xireen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa yimid, kadin kulan muddo dheer qaatay oo xalay dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo looga hadlay xal u helidda arrinta Gobolka Gedo.
Madaxtooyada Puntalnd ayaa sheegay in kulanka hadda socda uu yahay mid hordhac ah oo ay wada leeyihiin, kaasoo loogha dalayo Doorashada dalka iyo sidii ay ugu qabsoomi lahayd qaab la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Wararkii ug danbeeyay ayaa sheegaya in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay Madaxweyne Farmaajo ku riixayaan inuu shirka ku soo daro madaxda maamul Goboleedyada kale ee Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Galbeed.