Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxwenaha Waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa loogu yeeray Madaxweynayaasha Puntand iyo Jubbaland inay ku biiraan shirka Wadatashiga Doorashooyinka ee Muqdisho.
Warka ayaa lagu yiri “Madaxtooyada Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021”.
Qaxaa qoraalka Villa Somalia lagu sheegay inay xal u aragto in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Beesha caalamka ay dadaal ugu jiraan inay madaxda Puntland iyo Jubbaland ka qeyb galaan shirka Muqdisho, isla markaana la dhammeystio heshiis lagu gaaray magaalada Baydhaba.
