Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa si aan la fileyn u ogolaaday Arrin culus oo ka mida qodobadii uu diidanaa ee Amniga Doorashada dalka.
Qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, kuna diiday in lasoo farageliyo Doorashada ayaa dhinaca kale lagu sheegay in Amniga Doorashada ay la wareegayaan Guddi farsamo oo uu madax u yahay Ra’iisal wasaaraha.
“Iyadoo laga jawaabayo walaacyada la xiriira Amniga doorashada, waxaan halkaan ku xaqiijineynaa in Guddi Hawleedka Amniga Doorashooyinka Qaranka ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaaruhu uu noqon doono habka lagu xalin doono dhammaan arrimaha amniga ee la xiriira Doorashooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda ee Wasiirka Arrimaha dibadda u diray Golaha Amniga.
Arrintan ayaa ahayd qodob culus oo ka mida shuruudihii ay dalbanayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, laakiin waxaa ka muuqda jiritaanka Guddi cusub oo loo bixiyey: Guddi Hawleedka Amniga Doorashooyinka Qaranka, kaasoo su’aalo badan la is ka weydiin karo.
Waxaa kaloo shaki leh sababta uu Farmaajo uga diiday arrintan madaxda Soomaaliya, uguna diray Golaha Amniga, iyadoo aan wax faahfaahin laga bixin guddiga cusub ee Amniga Doorashada, cidda dhistay, xubnaha ku jira iyo awoodiisa.