Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray qaabkii la-taliyaha arrimaha doorashooyinka Maxamed Farmaajo maanta looga celiyey garoonka diyaaradaha Kismaayo.
Taliyaha ciidamada Booliska ee Gobolka Jubbada hoose G/Sare Sadiiq Maxamuud Dhogor oo Kismaayo kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maanta ciidammadu ka war heleen in Cabdi Cali Raage uu kasoo kicitimay magaalada Muqdisho, isagoo isticmaalaya magac aan kiisa ahayn si uu u yimaado magaalada Kismaayo, kaddibna ay ciidammadu amreen in uusan kasoo degi karin garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo, si loo ilaaliyo nabadgaliyada iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Jubbaland.
Wuxuu ku eedeeyay inuu maalmahii lasoo dhaafay ay la socdeen dhaq-dhaqaaqyo ay kooxo uu hormuud u yahay nin lagu magacaabo Cabdi Cali Raage ay ka wadeen gudaha magaalada Kismaayo kuwaas oo doonayay inay magaalada soo geliyaan hub sharci darro ah kaasoo la doonayey in lagu dhibaateeyo nabadda iyo kala dambeynta ka jirta Jubbaland, sida uu yiri.
Taliyaha Booliska J/hoose ayaa Cabdi Cali Raage ku tilmaamay dadka ka faa’iideysanayey khilaafka Dowlad goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muddo ka shaqaynaayey dibindaabyada Dowlad goboleedka Jubbaland.
