Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa go’aan wadajir ah kasoo saaray shirkii Dhuusmareeb 3 oo ay heshiis doorasho ay ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya, madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo K/Gabeed oo uu wehliyo maamulka Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeedka Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa lagu caddeeyay in qoraalkii kasoo baxayh shirka aanu waxba ka quseyn labadaasi maamul, isla markaana uu ku koobnaa dhinacyada saxiixay oo kaliya, waxayna caddeeyeen inaysan qeyb ka ahayn, laguna metelin shirka iyo wixii kasoo baxay, balse ay diyaar u yihiin shir lagu gaaro heshiis loo dhan yahay oo ku saabsan Doorashada dalka oo ku dhacda waqtigeeda.
“Dowladdaha Jubbaland iyo Puntland, waxay iyagoo ixtiraamaya aragtida ka qeyb galayaasha caddeynayaan in qodobada qoraalkii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb 19 August 2020 ee ku aadanaa soo jeedinta hannaanka doorashda dalka ay tahay aragti ku kooban Madaxdii ka qeyb gashay Shirka oo ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka iyo Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wadajirka ahaa.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

