Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta magaalad Garowe kula kulmay wakiilada Beesha Caalamka ayaa la wadaagay sida ay ku dhici karto Doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasoo lagu wada qanacsan yahay.
Qoraal kasoo baay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inay weli dhiman tahay sidii Doorashada loo maamuli lahaa sidao guddiyadii oo hadda gacanta lagu hayo.. “Waxaa jira waxyaabo badan oo u baahan in la saxo, laakiin wadahadalo iyo shaqo ayaa socota, waxaan rajeynayaa doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna waxaan rajeynaya in laga wada gudbi doono” ayuu yiri Madxweynaha Puntland oo sheegay in Puntland doorkeeda qaadan doonto.
Wuxuu intaas ku daray inay arrimaha ay xalka u aragto Puntland la wadaagtay madaxda wakiilada Beesha Caalaaka, faafhaahinta kalena wakhtigeeda uu shaacin doono. “Waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliy” Ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni.

Wafdigan ayaa ka kooban Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.