Wednesday, June 25, 2025

Musharax Mustaf Dhuxulow: “Farmaajo iyo Fahad laguma aamini karo dalkan, waana in laga tashadaa”

Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa faahfaahin ka bixiyey xaflad lagu taageerayay musharaxnimadiisa ciidamada dowladda ay hosr istaageen maanta, isagoo sheegay in arrintaasi ay ahayd mid ay ka danbeeyeen Madaxda Sare.

“Kulanka waxaa si kutalagal ah u joojisay Hay’adda NISA, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxay go’aansadaan inay sharciga ku tuntaan, waxaa cad inaysan ogoleyn in dalka doorasho ka dhacdo oo ay si kaligiis talisnimo ah ku haystaan, Waxaa muuqata qorshe lagula dagaalamayo Musharaxiinta” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo intaasi ku daray in dalkan aan lagu aamini karin Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo dalku ku socdo god iyo xaalad adag.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay talo ka yeeshaan.. Waxaa cad inaysan Farmaajo iyo Fahad rabaan kelitalisnimo dalka halis gelin karta, kana soo horejeeda dimoqraadiyadda oo dalka God ku ridi doona..” ayuu yiri Musharax Mustaf Dhuxulow.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON