Mamulka Puntland ayaa soo saaray war culus oo ku saabsan shirka uu ku baaqay Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ku eedeysay inuu markasta qaadayo tallaabooyin carqalad ku ah xalka loo raadinayo Doorashooyinka.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomida Doorashada, ayna soo jeediso inuu shirku ka dhaco Garoonka Diyaaradaha oo ay amniga iyo goobta diyaariyaan Qaramada Midoobay iyo AMISOM.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA PUNTLAND
Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.
Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.
Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.
