Sunday, February 5, 2023

Rooble oo ku sii jeeda Dhuusamareb iyo Shir Garowe uga furmay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Socdaalka Rooble ayaa ujeedkiisu yahay arrimaha Doorashada Golaha Shacabka iyo sidii loo dedejin lahaa, isagoo sheegay inuu socdaal ku mari doono magaalooyinka ay doorashadu ka dhacayaan.

Dhinaca kale waxa magaalada Garowe ee xarunta Puntland shir uga furmay madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Ad

Shirka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay isbaheysi doorasho oo ay leeyihiin iyo sidii ay uga heshiin lahaayeen arrimaha horyaalla ee Doorashada federaalka.

Siciid Deni ayaa la filayaa inuu isku sharxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo in muddo ah la sheegay inuu olole hoose ugu jiray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,969FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!