Waxaa maanta 24-11-2021 Dugsiga tababarada General Kaahiye ka dhacay Doorashada kursi ka mida kuraasta Gollaha Shacabka ee gobolada waqooyi Somaliland, kursigaasi oo sumadiisu tahay HOP#272.
Musharixiinta ku tartamay kursiga waxay kala ahaayeen:
1. Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar
2. Khadra Axmed Ibraahim
3. Cabdiqani Maxamed Maxamuud
Waxaa kursigan oo uu hore ugu fadhiyey Guuleed Cayduruus Cige, kusoo baxay Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo ka guuleystay Khadra Axmed Ibraahim iyo Cabdiqani Maxamed Axmed oo la tartamay.
Doorashada kursigan ayaa si degdega ku dhammaatay, wuxuuna ahaa kursiga kaliya ee maanta lagu dooranayey magaalada Muqdisho.
