Monday, June 23, 2025

XOG: Guddi isbaheysi siyaasadeed oo ay sameysteen Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta

Waxaa magaalada Muqdisho shirar gaara ku yeeshay Madaxweynaha Puntland, Jubbaland iyo madaxda Midowga Musharixiinta, kaasoo looga hadlayey xaaladda Doorashada iyo iyo sida ay u wajahayaan.

Xogta laga helay shirarka ka dhacay Xarunta Xalane oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntand Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegaya inay isla garteen dhismaha Guddi u qaabilsan arrimaha Doorashada iyo go’aanada laga qaadanayo.

Guddigan oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Madaxweynayaashii hore ayaa isla gorfeynaya mowqifka ay ka qaadanayaan wadahadalka ay Beesha caalamka ka dhex wado dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, waxayna is-arag joogto ah ka yeelan doonaan hadba qodobadda la isku hayo iyo tanaasulka laga geli karo.

Ad

Isbaheysiga siyasadeed ee ka kooban Siciid Deni, Axmed Madoobe iyo Midowga Musharixiinta ayaa si weyn uga horjeeda qorshaha Doorasho ee uu wato Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo taageero ka heysta Madaxweynayaasha K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.

Beesha Caalamka ayaa waanwaan ka dhex wada madaxda Soomaalida, waxaana weli lagu guuleysan sida loo qabanayo shirka wadatashiga ee Muqdisho.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON