Sunday, June 22, 2025

XOG: Rooble oo qaaday tallaabooyin uu cadaadis ku saarayo Farmaajo iyo rajada uu ka qabo inuu la wareego…

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaaday tallaabooyin uu ku doonayo inuu cadaadis ku saaro madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu qaatay mowqifkii uu uga hor yimid muddo kordhinta oo ay ku wada socdeen madaxweynayaasha Gamudug iyo Hirshabeelle, taasoo inteeda badan ka timid cadaadis ay saartay beesha caalamka, (Akhiso Xogtan), waxaana markaas kadib uu bilaabay dhaqdhaqaaq uu ku doonayo inuu taageero ka helo dhinacyadii ka horjeeday Maxamed Farmaajo.

Rooble ayaa weydiistay Musharixiinta mucaaradka ee ahaa awoodda ugu weyn ee ka hor timid muddo kororsigii Farmaajo inay ku taageeraan inuu la wareego maamulka Doorashada iyo Amniga dalka, ayna kala shaqeeyaan sidii caasimadda loo nabadeyn lahaa, loogana saari lahaa ciidamada.

Ad

Dhinaca kale wuxuu Maxamed Rooble xiriir la sameeyay madaxda maamul Goboleedyada isagoo ka codsaday inay taageeraan dadaalkiisa uu ku doonayo inuu la wareego maamulka Doorashada iyo Amniga, isla markaana ay aqbalaan shir uu isugu yeerayo si dib loogu bilaabo wadahadalkii.

Arrintan waxaa si buuxda u taageeray Galmudug iyo Hirshabaelle, waxaana shuruudo ku xiray Puntland iyo Jubbland, halka ay xaaladda ka War sugeyso K/Galbeed, waxaana isla arrintan loo xilsaaray madaxda Midowga Musharixiinta.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta wuxuu kulan isugu yeeray Ganacsatada Gobolka Banaadir oo uu kala hadlay xaaladda dalka iyo dadaalkiisa uu ku doonayo inuu dagaal uga badbaadiyo caasimadda, wuxuuna weydiistay taageero.

- Advertisement -

Tallaabooyinka uu qaaday Maxamed Xuseen Rooble oo lasoo wada dhoweeyay ayaa dhinaca kale ku xiran go’aanka uu qaato Maxamed C/llaahi Farmajo oo maanta hortegaya Golaha Shacabka, waxaana rajo laga qabaa inuu tanaasulo, isla markaana uu ogolaado inuu Doorashada ku wareejiyo Ra’iisal wasaarihiisa.

Inkastoo Rooble qaaday tallaabooyin uu Farmaajo ugu muujinayo inuu yahay nin taageero heysta, haddana dad badan ayaa ka deyrinaya inuu fudud u tanaasuli doono madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee lagu diiday muddo kororsigii uu doonayey.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON