Wixii ka danbeeyay markii dowladda Somalia ay dalkeeda ka ceyrisay Wakiilkii Q/Midoobay Noicholas Haysom, waxaa sii xumaaday xiriirka dalalka Midowga Yurub iyo dowladda Somalia.
Waxaa tallaabadan si cad uga hor yimid dalalka UK, Germany iyo Faransiiska oo Golaha ammaanka ka dhex caddeeyay mowqifkooda, waxayna dalalkasi garwadeen u ah Ingiriiska oo bilaabay inuu dowladda Somalia ku ciqaabo go’aankaasi.
Sida uu qoray wargeyska ‘The Independent” Wasiirka Difaaca UK Gavin Willamson ayaa baajiyey kulamo uu la yeelan lahaa madaxda dowladda Soomaaliya, wuxuuna taas bedelkeed tegay Magaalada Hargeysa ee maamulka la baxay Somaliland, iyadoo meesha laga saaray qorshihii uu ku booqdan lahaa Muqdisho.
Tallaabada UK ayaa lagu muujiyey sida ay uga horjeedo ceyrintii Nicholas Haysom. Wargeysku wuxu sheegay in Rooboow uu yahay qofka ugu sarreeya ee beddela aragtidiisa kana baxay Al-shabab, iyadoo dowladda Ingiriiska ay qeyb ka ahayd howlgal ay iska kaashadeen Mareykanka oo Rooboow looga soo badbaadiyay degaannada ay heystaan Al-shabab.
Dalalka UK iyo Germany ayaa hore ugu dhawaaqay inay joojiyeen taageeradii ay siin jireen booliska Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyay falalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.
Dowladda Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin tallaabada wasiirka Difaaca UK.