Friday, July 4, 2025

XOG: Yaa ku guuleysanaya dagaal siyaasadeedka Qarsoon ee Farmaajo iyo Siciid Deni/ Axmed Madoobe..?

Waxaa meel adag maraya dagaal siyaasadeedka qarsoon ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland Siciid C/laahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dagaalkan ayaa intiisa badan ku saabsan go’doominta Farmaajo iyo in laga dhigo madaxweyne Sharci darro xilka ku fadhiya kadib 8-da Febraayo 2021, iyadoo dhinac waliba uu sii xoojinayo dagaalka si ay guushu u raacdo.

Dafaalka ugu badan waxaa qaaday Farmaajo oo awood ahaan ku maquuniyey musharixiinta mucaaradka, rasaasna kala hortegay bannaanbixii 19-ka Febraayo oo ay ka dhalatay xaaladii halista ahayd iyo iska hor imaadyadii caasimadda ka dhacay.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa muddo saddex jeer ah diiday kulamo uu Farmaajo isugu yeeray si heshiis looga gaaro Doorashada cakiran, waxaana socon waayey baaqyadii shirar uu Farmaajo doonayay in lagu qabto Garowe iyo Muqdisho iyo shirkii u danbeeyay ee uu 4-ta bishan ku dhawaaqay inuu ka dhacayo Caasimadda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku dhex wareertay shirarka is daba jooga ay ee Farmaajo u baaqayo oo dalabkoodii raacsan iyo shuruudaha ay mar kasta watan Deni iyo Axmed Madoobe, xilli arrimihii la isku hayey ay xalkooda soo dhowaadeen, kadib shirkii Guddiyada farsamada ee Baydhaba ka dhacay.

Dagaalka socda ee siyaasadeed wuxuu salka ku hayaa Farmajo oo doonaya inuu muujiyo inuu weli yahay Madaxweyne talada gacantiisa ku jirto, xitaa haddii uu dhammaaday muddo xileedkiisa iyo Siciid Deni / Axmed Madoobe oo difaac uga jira inay aqoonsi siiyaan, waana halka ay iska qaban la’ yihiin shirarka Farmaajo ku baaqo ee socon la’.

Guusha siyaasadeed waxay raaci doontaa mucaaradka ay hoggaaminayaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, haddii shirka soo socda lagu qabto meel aan ahayn Madaxtooyada Soomaaliya, ayna goobjoog ka noqdaan Musharixiinta, Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka, iyadoo amniga sugayaan ciidamada AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON