Tuesday, July 1, 2025

Lafta-gareen oo Muqdisho u tegay la kulanka Ergeyga Dowladda Qatar (Puntland & Jubbaland oo diiday..)

Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Laf-gareen) ayaa magaalada Muqdisho maanta u yimid la kulanka ergeyga dowladda Qatar u soo dirtay Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibadda ee La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Xalinta Khilaafaadka Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo Muqdisho ku sugan ayaa si kala gaara ula kulmay Madaxda dowlada Federaalka iyo Musharixiinta Mucaaradka oo uu kala hadlay khilaafka Doorashada iyo sida loo xalin karo.

Wuxuu kaloo maanta ergeyga dowladda Qatar la kulmay saddexda madaxweyne ee maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed, isagoo u sharxay ujeedada socdaalkiisa iyo dadaalka cusub ee dowladda Qatar ay wado.

Codsi safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan Xamza u diray madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam si ay Muqdisho u yimaadaan oo kula kulmaan Ergeyga dowladda Qatar ayaa la sheegay inay ka cudurdaarteen.

Wararka ayaa sheegaya inuu socdo dadaal uu Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibadda dalka Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ku doonayo inuu ku tago magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo si u kulamo ula yeeshoi madaxda labada maamul Goboleed ee sida weyn uga horjeeda madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON