Sunday, June 22, 2025

Musharixii ugu horeeyay ee Aqalka Sare oo la diiwaan geliyay iyo 2 Qodob oo lagu eedeeyay Axmed Madobe

Musharixii ugu horeeyay ee u taagan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Doorashada 2021 ayaa maanta la diiwaan geliyay, isagoo la guddoonsiiyey Shahaadada Musharaxnimo.

Guddiga Doorashada Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay diiwaangalinta iyo shahaado siinta Musharixiinta u tartamaysa Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana ugu horeeyay oo shuruudihii buuxiyey, shahaadadii musharaxnimadana la guddoon siiyey Musharrax Ilyaas Baddal Gabboose.

Waxaa lagu wadaa in Berri oo khamiis ah ay afar ka mida musharixiinta Aqalka sare khudbadahooda ka hor jeediyaan golaha wakiilada Jubbaland, isla berrina la doorto laba ka mida afarta kursi ee liiska Musharixiinta uu gudbiyey Madaxweynaha Jubbaland.

Ad

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay laba qodob oo kala ah:

1- Inuusan tixgelin qoondadii haweenka, kadib markii 9 Musharax oo afar kursi ku tartamaya uu kaliya kusoo daray qof haween ah, iyadoo aanay jirin kursi loo xiray.

2 Iyo inuu soo sharxay taageerayaashiisa iyo saaxiibadiis Aqalka Sare hore ugu jiray, iyadoo ay muuqato inaan doorasho xiiso leh dhici doonin, natiijadana lasii ogyahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON